Ganacsato Soomaali ah oo hantidooda lagu gubey koofur Afrika-Sawirro

Dukaamo muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu gubay dalka South Africa, kuwa Kalena waa lagu boobay dalka South Africa, Xilli todobaad kaliya ay ka harsan tahay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalka South Africa ayaa magaalooyinka iyo gobolada kala duwan ee dalkaan South Africa waxaa ka dhacaya dambiyo kala duwan oo lala xariirinayo arimaha doorashooyinka ee diyaar garowka loogu jira.

Falalka laamaha amniga laga diiwaan galiyay waxaa ay isugu jiraan dilal,dhac ,iyo waliba rabshado lagu boobayo goobaha ganacsiga ee dadka ajaanibta ah iyo kuwa South Africaanka ah.

Falkii ugu dambeeyay ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Mbkweni oo qiyaastii 70 km u jirta magaalada Cape Town kadib markii shacabka xaafadaasi loo diiday dhul ay guryo ka dhistaan waxaana taa badalkeeda ay dhigeen banaan baxyo arintaasi ay uga soo horjeedaan taana ay sababtay in kooxo burcad ah ay ka faa’iideystaan oo ay boobeen goobaha ganacsi oo ay lahaayeen dadka ajaanibta ah oo ay ku jiraan dukaamo ay ku ganacsadaan dad Soomaali ah.

SAFRICA (1)

SAFRICA (2)

SAFRICA (3)

SAFRICA (4)

SAFRICA (5)

SAFRICA (6)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.