Daawo sawiro xaflada furitaanka schoolka hose,dhexe iyo sare ee Al-Abaadir

Xaflad si heersaraa loo soo agaasimay oo lagu daah furayay qayb cusub oo ah dugsi hoose,dhexe iyo sare oo lagu soo kor dhiyay macadaka al abaadir oo kamid ah macadyada ugu faca wayn somaalaya islamarkaasna horay u ahaan jiray bareefad ayaa waxay maanta ka dhacday xorunta iskuulku uu ku leeyahay xaafada soona kay ee hodan ee magaalada mudisho Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidiin,macalimiin,arday iyo marti sharaf kale.

Ugu hor waxaa halkaasi qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay maamulaha macadka al-abaadir laantiisa sona key ustaad cali ibraahim yusuf kule , waxaana uu kahadlay ahmiyada waxbara shadu ay u leedahay dadka aduunka kunool gaar ahaan dadka soomaaliyeed “waa muhiim cilmigu waana wax looga baahan yahay qof walba, nabi muxamed (scw) ayaa ilaahay (swt) ku lahaa dheh ilahow cilmi ii siyaadi, maxaa moodaa marka anaga hadiiba nabi muxamed (scw) la amray in uu ilaahay cilmi kabaryo. Ayuu yiri ustad cali

Sidookale waxaa halkaasi kahadlay qaarka mid ah waalidiintii,macalimiitii,marti shafatii ka sooqayb gashay xaflada iyo arday wax kabarata qaybta bareefadka ee macadka al-abaadir waxaana ardayda qaarkod ay qudbadahood ku soo jeedinayeen afafka qalaad sida carabiga iyo ingiriiska

Macadka al-abaadir waxaa la aasaasay xaruntiisa dhexe ee xaafada laba dhagax ee magaalada muqdish sanadii 1996 waxaana ilaa iyo xiligaas wax kabartay jiilal kala duwan oo ah dhalin yaro soomaaliyeed oo haatan ku kala nool daafaha caalamka

Ugudanbay xaflafan ayaa ku soo dhamaatay jawi dagan oo farxa ku dheehantahay

Cabdullahi Caydaruus, gedo times, mudisho

Sawirada hoos ka daawo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.