Xog: Gedo Times oo Heshay Decumentigii uu ku codsanayay In Raashinkii la lunsaday ee Gedo loogu talagalay Gobolka loosoo gudbiyo.

Iyadoo dhawaan la hadal hayay in la lunsaday raashinkii mucaawanada ahaa ee loowaday Gobolka Gedo ee ay dowladda Turkiga ku deeqday ayaa Gedo Times waxaa u suura gashay in ay heshay codsigii gudoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Axmed Buule Canjeex ee la xiriirtay in Raashinka Saamiga Gedo lasoo gaarsiiyo.

Gudoomiyaha ayaa Codsanaya in raashinka oo loo waday sadexda Gobol ee Jubbaland saamiga Gedo lasoo gaarsiiyo, raashinkaas oo uu sheegay in uu dhamaa ilaa 800 oo kun oo mitirigtan.

Canjeex ayaa sheegay in qeybtii Gedo loogu talagalay lagu iibsaday Suuqyada Kismaayo fasaxa gaditaanka Raashinkaasne uu bixiyay Maxamuud Sayid aadan oo ku magacaaban Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland.

Shabakadda Gedo Times ayaa Heshay Codsiga Gudomiyaha ee la xiriira soo gudbinta Raashinkaas, iyo dhamaan wixii deeqo ah ee gobolka loogu talagalay in Maamulka Gobolka loosoo gudbiyo si ay u gaarsiiyaan Meelihii loogu talagalay, Balse nasiib darro lagu kala iibsaday Suuqyada Magaalada Kismaayo.

Linkiga Hoose Riix si aad u akhrisato Decumentiga Codsiga ee Gudoomiye Canjeex.

ccccc

Screenshot (223)

Screenshot (221)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.