DAAWO: Wacyi galin LA xiriirta Ka hortagga Gudniinka Fircooniga ah oo lagu qabtay Degmada Baled-xaawo.

Ururka wacyi galinta bulshada iyo kahortagga AIDSka ee Gobolka Gedo ayaa maanta kulan baraarujin ah waxa ay Ku qabteen Degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo.

Ururka ayaa kulanka ay qabteen waxay bulshadii kasoo qeybgashay kaga wacyi galiyeen halisa cudur ee kadhalan kara Gudniinka Fircooniga ah ee deegaanadan aadka looga isticmaalo.

Waxay sheegeen in uu halistiisa gooniyaad leeyahay Cudurkani iyagoo sheegay in haweeneyda fircooniga loogudaa ay kahalis badantahay mida caadiga loogudo, xiliga dhalmadane waxa ay tilmaameen in gabadha uu saameyn badan Ku yeesho oo ay ugu darantahay xanuunka loo yaqaan iskufuranka Haweenka.

Saraakiil caafimaad iyo Culamaa’udiin madaljoog ka ahaa kulankani ayaa dhinacooda hoosta ka xariiqay in kulankani baraarujinta uu qiimo weyn ugu fadhiyo kasoo qeybgalaasha iyo bulshada degaanka kunool intaba.

Gaba-gabadiine kasoo qeyb galayaasha kulanka ayaa lagula dardaarmay in ay sameeyeen baraarujino LA xiriira halista uu leeyahay gudniinka fircooniga ah, iyagoo dhinacoodane balanqaaday intii karaankooda ah in ay bulshada ka wacyi galin doonaan halista gudniinka Fircooniga ah.

Deegaanadaan Gedo iyo Guud ahaan dalka waxaa Ku badan Gudniinka Fircooniga ah, iyadoo dhaqan soojireen ah uu ahaa balse waayadii dambe waxaa laga deyrinayay halisa ka dhalan kara, inkastoo bulshooyinka ay yihiin kuwo wali iska dhaga tiraya digniinaha loojeediyey.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA WACYI GALINTA ah.

fgm (2)

fgm (3)

fgm (4)fgm (1)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.