DAAWO: Arday Dhameysatay Waxbarasho Diineed oo Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyay Magaalada Garbaharay.

Magaalada Garbaharay ee xarunta Gobolka Gedo waxaa lagu qabtay Munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday dhameysatay culuum Diini ah.

Machadka Imaamu Nawaawi oo ah machad aad u facweyn oo muddo kashaqeynayay Xarun Goboleedka Gedo ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay arday xalaqaad ahaan wax Ku baratay.

Ujeedada ka dambeysa shahaado siinta ardayda ayaa ah in ay helaan aqoonsi dibadeed si ay waxbarashadooda sare ugu sii qaadaan Bacdamaa Ictiraaf rasmi ah oo LA xiriira duruusta xalaqiga ah aysan kajirin meelo kala duwan oo caalamka ah.

Hay’adda Himilo Trust oo ah hay’ad samafal oo Garbaharay ka hawl-gasha ayaa kaalin ka geysatay shahaado siinta ardada iyo soosaaristoodaba, iyadoo saraakiil kasocotay hay’adaasine ay balanqaadeen in ay siiwadi doonaan taageerada ay u fidinayaan malcamadaha Diiniga ah.

Machadkani Imaamu Nawaawi ayaa soosaaray Xalaqaad badan oo diimeed, balse waa markii ugu horeysay shahaado aqoonsi raadis ah lagudoonsiiyo ardada tiiyoo dadkii horay uga baxay machadkani ay ahaayeen kuwo cilmiga un xambaarsan, balse aan haysan Shahaado ay aqoontooda kusii kordhisan karaan.

Garbaharay ayaa caan Ku ah barashada Cilmiga Diiniga ah iyadoo dad badan oo wax kusoo bartay ay maanta yihiin Fuqaho dhinaca Diinta Islaamka ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA SHAHAADO SIINTA.
received_954491147983456
received_954491114650126received_954491027983468

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.