Gobolka Gedo Gudoomiye Cusub ayaa loosoo Magacaabau

max

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xalay si rasmi ah u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa loo magacaabay Mudane Maxamed Muxumed Maxamed Aadan, oo noqonaya Gudoomiyaha Rasmiga ah ee Gobolka Gedo.

Mudane Maxamed ayaa Badalaya Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Axmed Maxamed Buule Canjeex, oo mudadii sanadka aheyd ee lasoo dhaafay ahaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Gudoomiye Maxamed Ayaa ah nin dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Gobolka Gedo, in muddo ahne Ku noolaa qurbaha waxaana inbadan oo bulshada ah ay Ku hanweyihiin in uu waxbadan kabadali doono hormar la’aanta kajirta Gobolka Gedo iyo isu socosho la’aanta kajirta Degmooyinka Gobolka.

Dhawaan ayaa LA filayaa in uu gaaro Magaalo Madaxda Gobolka Gedo ee Garbaharay, oo uu si rasmi ah kula wareegi doono xilka loo Magacaabay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA GUDOOMIYAHA CUSUB EE GOBOLKA GEDOgudoomiye Maxamed Maxamuud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.