XOG: Madaxda Jubbaland oo Go’aano kasoo saaray Khilaafka Ka dhaxeeya Wariyayaasha Jubbaland. “Akhriso”

deg

Magaalada kismaayo waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka taagnaa khilaaf u dhaxeeyey Bahda warbaahinta Jubbaland.

Dhismaha ururka suxufiyiinta ee Jubbaland khilaafka ka dhashay kadib ayuu wasiirka warfaafinta LA saftay dhinac kamid ah garabyada isku hayay hogaaminta ururka taasoo keentay in dhinicii kale qaar kamid ah xabsiga loo taxaabay.

Khilaafka ururka ka dib waxaa arinta soo faragaliyay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa kuwaas oo arinta khilaafka kala hadlay xalinteeda wasiir kuxigeenka Warfaafinta ee Jubbaland mudane Dacar kadib markii ay madaxdu isla garteen in wasiirku uu dhinac lajiro.

Wariye la xiray laba maalin kahor waline xabsi kujira ayaa LA go’aamiyay in si degdeg ah loosoo daayo, halka kuwo loogu xanjabay xarigne aysan jirin cid soo xiri karta sida ay Gedo Times kasoo xigatay Ilo wareedyo muhiim ah oo kulamadani ka agdhawaa.

Labada urur Saxaafadeed ee kismaayo looga dhawaaqay ayaa sidoo kale LA isla gartay in midkoodne uusan sax aheyn doorashadiisa, taas badalkeedane Madaxda ayaa wasiir kuxigeenka ku amartay in uu wariyayaasha isukeeno dhismaha urur ay Ku mideysanyihiine uu Hogaan u noqdo.

Gaba-gabadii waxaa fashilmay iskudayo dhowr ah oo wasiirka warfaafinta iyo agaasimaha Jubbaland TV ay Ku doonayeen in ay Ku caburiyaan bahda warbaahinta xorta ah ee Jubbaland ka jirta, waxaana shaqada warbaahinta ee Gobolkaas ay Madaxda Jubba Masuul uga dhigeen Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ee Jubbaland Mudane Maxamed Ibrahim Faarax ” Dacar”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.