Degdeg: kaliil oo Loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Amniga ee Jubbaland “Akhriso”..

Madaxweynha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo si rasmi ah wareegto xafiiskiisa saacad ka hor ka soo baxday u magacaabay Gudoomiyihii hore ee Gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Wasiiru Dowlaha Amniga .
Wareegtadaan ayaa lagu sheegay in Max’ed Cabdi Kaliil uu u qalmo xilkaan uuna yahay shaqsi howl kar ah kana soo bixi karo howshaan loo igmaday, uuna u leeyahay Khibrad ku filan.
Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Gedo Max’ed Cabdi kaliil oo iminka loo magacabay Wasiiru dowlaha Amniga ayaa ahaa ragii ugu cad cadaa ee ka soo horjeeday Maamulka Axmed Madoobe, tanina waxay muujinaysaa isku soo dhawaanshaha Max’ed Cabdi Kaliil iyo Madaxweynaha Jubbaland ka dhax bilowday.

Akhriso Wareegtada lagu Magacaabay.

kaliil

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.