Degdeg: Cabdinaasir Saxansaxo oo Wariye kale ku xiray Kismaayo, iyo Hanjabaado uu ku hayo Suxufiyiin Kale.”Akhriso”

Waxaa Goordhaw Ciidamada Nabad sugidda ee Maamulka Axmed Madoobe ay xireen wariye Saabir Cabdiqaadir Warsame oo kamid ah wariyayaasha ka hawl-gala Magaalada Kismaayo.

Wariyaha LA xiray ayaa u shaqeynayay TVga caalamiga ah ee Somali Cable, waxaana duhurnimadii maanta xiray ciidamada nabad sugidda ee Maamulkaasi.

Wariyaha waxaa xarigiisa ka dambeeyey Cabdinaasir Saxansaxo oo Ku Magacaaban Agaasimaha Tvga Jubbaland, isagoo ciidamada Maamulkaasi kuwo kamid ah Ku dalbaday si ay u xiraan.

Majirto wax su’aalo ah oo ay ciidamadani weydiiyeen Wariyaha oo LA xiriira sababta ay u xirayaan.

Xariga wariye Saabir ayaa Daba socda mid maalin kahor lagula kacay tiro warfidiyeeno xarigaas oo sidoo kale ka dambeeyey cabdinaasir saxansaxo oo Ku takrifalaya awooda wasaaradda warfaafinta ee Jubbaland oo siduu rabo kayeelanaya.

Gedo Times ayaa LA xiriirtay Ilo Ku dhawdhaw wariyaha Xiran, kuwaas oo noo xaqiijiyay Xariga lagula kacay wariyahaasi,

Cabdinaasir Saxansaxo ayaa LA xaqiijiyay ujeeda uu kaleeyahay Xariga warfidiyeenada in ay tahay Cabsi galin iyo in uu a wood kula wareego Ururkii Suxufiyiinta Jubbaland ee JIJA, taas oo ay ka horyimaadeen Warfidiyeenada LA xirxiray.

Dhawaan Doorasho kismaayo ka dhacday ayaa ururka suxufiyiinta Jubbaland waxay Ku doorteen hogaan cusub arintaas oo u cuntami weysay saxansaxo iyo xulafadiisa oo doonayay shakhsi ay wataan in ay u dhiibaan hogaanka Ururkaasi.

Wixii kusoo kordha xariga wariye saabir kala soco Gedo Times insha Allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.