XOG: Yaa ka dambeeyey Xarigii Shalay lagula Kacay Wariyayaashii lagu xiray Magaalada Kismaayo.

Magaalada kismaayo waxaa lagu xiray Ku dhawaad afar wariye oo qeyb ka ahaa wariyayaasha ka hawl-gala magaalada kismaayo.

Warfidiyeenada LA xirxiray waxay kala yihiin 1, Maxamed Qaasim Cali Waxar, Khadar Maxamuud Xareed,Cabdiqaadir Cabdirisaaq Soofe Jiijiile iyo Aadan Maxamed Salaad Aadan Kismaayo, kuwaas oo kismaayo uga soo warami jiray, warbaahinada kala ah VOA , Kalsan TV, Star TV iyo SNTV.

Wariyayasha waxaa xarigooda ka dambeeyey Agaasimaha TVga Jubbaland Cabdinaasir Saxansaxo oo isticmaalayay Awooda Wasaaradda Warfaafinta kadib markii ay sameeyeen Doorasho ay Ku dooranayeen Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Madaxa Banaan ee Jubaland ee JIJA.

Saxansaxo ayaa hogaanka ururkaas larabay wariye kasoojeeda Puntland oo dhawaan kismaayo yimid kadib markii uu hamigiisii hirgali waayayne wuxuu go’aansaday in wariyayaasha uu Xarig iyo cagajucleyn isugu daro taasoo uu u haysto in LA moogyahay.

Wariyayaasha waxaa soo xirxiray ciidamo nabad sugid ah oo ay Ku dalbadeen Saxansaxo iyo Cabdinuur Cali Aadan oo Ku nagacaaban wasiirka warfaafinta ee Jubbaland.

Cabdinuur Cali Aadan ayaan waxba ka aheyn wasaaradda uu Ku magacaabanyahay waxaana awoodiisa wasaaradeed iska isticmaala, dhalinyaro ka hawlgasha TVga jubbaland oo uu hormuud u yahay saxansaxo.

Cabdinaasir Saxansaxo ayaa Ku sifoobay kala fogeyn iyo iska horkeenidda wariyayaasha jubbaland isagoo awal qaab beeleed wariyayaasha isaga horkeenay ayuu hadda bilaabay in wariyihii kahoryimaada fikirkiisa munxarifka ah in uu xarig iyo cagajugleyn isugu daro.

Doorasho shalay kismaayo ka dhacday ayaa Khadar Maxamuud xareed waxaa loogu doortay Gudoomiyaha Ururka JIJA halka Joornaaliste Maxamed Qaasim Cali Waxarne loogu doortay Gudoomiye Kuxigeen.

Dhawaan Gedo Times ayaa idiin soo gudbin doonta warbixin dheer oo LA xiriirta saxansaxo iyo gaboodfalada uu Kismaayo ka geystay Mudadii uu Ku Magacawnaa Agaasimaha TVga jubbaland, Saminaaro uu lunsaday, awoodo uusan laheyn oo uu had iyo jeer isticmaalo iyo arimo kale oo hada aan daah-rogneyn.
Wasiirka Warfafinta oo inkiraya xariga dhageyso hoos.

Isha Ku hay Gedo Times insha Allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.