DABINKA U DHIGAN NINDOORKA DIIDAN MUSUQMAASUQA IYO HUBKA DALKA LAGU DILAY by Jimcaale

jim

DABINKA U DHIGAN NINDOORKA DIIDAN MUSUQMAASUQA IYO HUBKA DALKA LAGU DILAY.
Waa arin u baahan cilmibaaris iyo rogrogis badan waan xil qof kasta oo Soomaali ah oo damiir leh saran in qaranka sii lumaya ee soomaaliyeed aan laga aamusin ee laga hadlo xalna la raadiyo inta aan raadkiisa sii baaba,aya aan loo waayin,layskuna dayo bal in dib loo soo nooleyn karo .
Markii aan rogrogay oo dhan kasta ka eegay waxaan xushay in aan qaato cinwaanka sare ,aniga oo xil iska saaraaya in aan qayb ka qaato baadigoobka badbaadinta qaranka soomaaliyeed ee sii lumaaya.dhibaatada iyo halka sartu ka quruntay baan waxaan ku masleeyey geed weyn oo leh qaybahaan;-
-Sal weyn oo dhulka ku jira.(MUSUQMAASUQ)
-laamo (qabyaalad,cadaalad daro,nabadgelyo xumo,tafaraaruq(federal iwm)iyo kooxo diimeedyo.
Haddaba akhristayaal bal ila eega geedkaan weyn oo salka iyo xididada dhulka ku la jira laamaha faraha badan leh oo sida xaqiiqda ah humaaga dalkeenu iila muuqday oo xidada iyo salkuba waraabinayaan laamahaas,haddii aan si kooban u soo ururiyo dhammaan lamahaas faraca ah waxay ka mideysan yihiin MUSUQMAASUQA waxa dadka ka dhexeeya,qabiilku wuxuu u xulduubayaa in uu qabiilada kale ka boobo waxa kala dhexeeya,waana musuqmaasuq.amaanku wuxuu la xumaadaa markii ninkii ilaalinaayey gaajoodo oo kii laga ilaalinaayey gacanta u hoorsado,waa musuqmaasuq,.Garsoorku cadaalad daro ma xukumo ilaa laaluush la siiyo,waa musuqmaasuq,koox diimeedyadu waxay u tafaxaydan yihiin in ay xukunka qabsadaan oo dhacaan waxa dadka ka dhexeeya,waa musuqmaasuq.
Haddaba akhristayaal sow nooma muuqato in musuqmaasuqu aqabad ku yahay nabadgelyada,Alle kacabsiga,cadaalada,horumarka,midnimada,maamul wanaaga iyo sharafta dalka dadka,intaase dhaxalkeedu sow noqon mayo magaca Soomaaliya oo laga waayo khariidada adduunka.
Ugu danbayntii geedkaan goyntiisa ayaa xalku ku jiraa ee ma la goyn karaa?Anniga jawaabtaydu waa haah mana fududa oo aad bay u dhibbadan tahay,waayo geedku wuxuu leeyahay shaqaale waraabiya, ciidan ilaaliya,nabadsugid iyo wardoon soo ogaada cidda ama qofka inuu gooya raba qorshahiisa sida awooda,meesha uu ka goynaayo,cidda la shaqaynaysa iyo waqtiga uu goynaayo,markaas waxaa la diyaariyaa wixii lagu difaaci lahaa sida dhaqaale,siyaasad iyo xoog intaba,taas ayaana ku tusaysa inay aad u adag tahay goyntiisu.
Haddaba akhristayaal anniga oo dhibkiisa arkaaya ayaan haddana waxaan iri waa la jari karaa geedkaan inkaarta qaba waxaana la rabaa in aan u wajahno siddaan;-
-grasho iyo fahan khatarta geedka baa loo baahan yahay.
-dhibkaas dad u dhabaradayga oo dagaalkiisa u diyaargarooba loo baahan yahy iyo in -wacyigalin dadka laga wacyi geliyo musuqmaasuqa lagalana dagaalamo.
-ugu danbayn musuqmaasuqu waa xaqdaro,xaqa iyo xadaradu haday dagaalamaan waxaa adkaada xaqa oo guusha u hara.
DARDAARAN;-Maanta waxaa loo diyaaryahay doorasho qaabkeeda waa kooxo bulshada laga soo xuli doono oo dooran doona xildhibaanadii soo dooran lahaa xukuumad iyo madaxweynaheed.geedka aan kor ku soo sheegay xoogagiisii oo dhaqaale,qabyaalad iyo farsamooyin badan adeegsanayana ma qarsoona oo degmooyinka iyo hoteelada xamar hawlaha ka socda waan arkaynaa waana maqlaynaa,waa dagaal bilowday o la doonayo in looga hortago geesisi kasta oo doonaaya in uu geedkaas gunta ka jaro, ama gacnihiina isku gawraca oo xaqdarada nacfiga wadata doorta ama kii dalka samatabixin lahaa doorta oo xaqa u hiiliya.

Wabilaahi tawfiiqW/Q Abdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.