Wafdi horudhac u ah madaxweynaha oo gaaray Dhadhaab-SAWIRO

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa gaaray xerada Qaxootiga ee Dhababaab ee dalka Kenyya, halkaas oo la filayo inuu gaaro madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa soo gaaray Dhadhaab wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya.

Wafuuddan ayaa horudhac u ah wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku wajahan xeryaha qaxootiga Dhahdhaab oo ay ku jiraan Soomaali badan.

Wariyaha Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ee dalka Kenya Yuusuf Sheekh Ciise oo la socda wafdi gaaray Dhadhaab ayaa wuxuu soo sheegayaa in madaxweynaha iyo wasiirada hada gaaray halkaas ay soo arki doonaan xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee mudada dheer ku jira xeryaha Qaxootiga.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan shaacisay inay xireyso xeryaha Qaxootiga sidoo kalana dib loo soo celinayo dadka ku jira xeryahaas, iyadoo Kenya ay ku doodayso inay adkaynayso amaankeeda.

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u sheegay inaysan suurta gal ahayn in si qasab ah lagu soo celiyo dadka Qaxootiga ah eek u jira xeryahaan.

IMG_9105 IMG_9086 IMG_9100

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.