SAWIRRO:Koox kubadda cagta ah oo Gaalkacyo ka dhisan oo Kismaayo ku sugan

Naadiga kubada cagta Comsed Gaalkacyo Puntland  ayaa galabta barbar dhac lagalay naadiga Jamaame Brothers Centar JBC  oo Kismaayo ka dhisan, waxaana ciyaartii galabta oo aad u xiiso badnayd ka soo qaybgalay Maamulka degmada Kismaayo, Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Jubbaland iyo Boqolaal dadwaynaa.

Sidoo kale waxaa joogay galabta Garoonka Madaxda Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland, gudoomiyaha dhalinyarada Puntland iyo madaxda Xariirka kubada cagta ee Jubbaland.

Ciyaarta ayaa kaabiyadii hore waxaa hal dhaliyay Naadiga JBC , iyadoona gool bareejo ah ay la yimaadeen naadiga Comsed kaabyadii dambe.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo Mudame Ibraahim Maxamed Aw-Yuusuf ayaa sheegay in ciyaaraha Kismaayo dhacaya ay yihiin kuwo dhiiri galin u ah dhamaan dhalinyarada Ciyaaraha Jubbaland iyo Puntland.

Cabdiqani Carabay oo ah  gudoomiyaha Naadiga Comsed ee Kismaayo martida ku ah ayaa sheegay in naadiga Comsed ay yihiin kuwo mar walba dadaal badan ugu jiraan horumarka sports Puntland iyo Jubaland  sidi ay xirir wanagsan u yeeshaan mar walbana ay u wada ciyaaraan safaro gobolada Puntland iyo Jubaland taas ayuu ahaa u jeedkeena aan Jubaland Kismaayo ku nimid wana bilaawnay hadi aan nahay naadiga comsed  mar walba waxaan diyaar u nahay in aan ka shaqeeno isdhaxgalka dhalinyarada sports wana mid loo bahan yahay in la horumariyo dhalinyarada sports si ay xirfadadooda u horumariyaan si ay u helaan fursad wanagsan.

Ugu dambayntii gudoomiyaha dhalinyarada Puntland aways Sardheeye ayaa guud ahaanba dhalinyarada Puntland iyo Jubbaland ugu baaqay in ay hormariyaan xirfadahooda, sidoo kalena ay ka waantoobaan tahriibka.

20160605_161303 20160605_161310 20160605_161314 20160605_162022 20160605_162856 20160605_165451 20160605_172105 20160605_173154 20160605_1620160

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.