Daawo Sawirro: Xasan Sheekh oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo booqday Dhadhaab

Maxaweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo booqda  xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo uu duhurnimadii maanta uu ka degay. Waxaa soo dhaweeyay waaiirka arrima gudaha Kenya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya,Wuxuu booqan doonaa goob caafimaad iyo dugsi waxbarasho, isagoo la kulmi doona hoggaamiyeyaasha dadka qaxootiga ah.

Waa markii ugu horeysay madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo xeryaha Dhadhaab mudadii ay jirtay, waxaana halkaas ku nool dad Soomaali ah oo aad u badan oo muddo rubuc qarni ka badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa waxaa xeryaha Dhadhaab ugu horeeyay wefdi isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya.

madx-1 madaxa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.