
Xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay sharciyada Axsaabta siyaasadda, Xananada xoolaha iyo dhismaha guddiga madax banaan ee xuquuqda aadanaha. Sharciga axsaabta siyaasadda ayaa waxaa ogolaatay 149 madane waxaa diiday hal xildhibaan waxaana ka aamustay sadex mudane, sidoo kale sharciga xanaanada xoolaha ayaa waxaa ogolaatay 150 mudane iyadoo ay ka aamuseen sadex xildhibaan mana jirin cid diiday.
Leave a Reply