Kulankii Madasha Wadatashiga Qaran oo Galay Maalintii Afaraad iyo Qodobbo weli la isku hayo

Shirka Madasha Wada-tashiga qaran ayaa maalintii afaraad galay, iyadoo shirkan oo lagu waday in lagu soo gaba gabeeyo muddo labo maalmood ay adkaatay, kadib markii dood adag ay hareysay arrinta ku aadan matalaada Muqdisho ee Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Madaxda Madasha ayaa wali isku mari la’ qaabka magaalada Muqdisho xubno uga heleyso Aqalka sare iyo habka loo maareynayo, iyadoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay ku doodayaan in kuraasta aqalka sare ee Muqdisho lagu saleeyo 4.5.

Sidoo kale waxaa aad looga doodayaa qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada soo socda iyo tirada maamul walba helayo ama ka imaanayo maamul goboleedyada, waxaana maamul kasta uu doonayaa inuu ka sad-badsato maamulada kale.

Shirka ayaa lagu waday in la soo gabagabeeyo shalay galinkii dambe, laakiin  ma dhicin oo ilaa iyo xalay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada waxay Muqdisho  ku lahaayeen kulamo gaar gaar ah.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.