Jeylani Husen Yusuf: C. I .D, Ma Danbi Baaris baa mise Danbin Dhaafid!

Ehel walbo oo Muqdisho loga dilo qof ka mid ah Eheladiisa Waxaa La geyaa Meydkiisa Xarunta Danbi Baaris ee Marka La soo Gaabiyo lo Yaqaano C.I.D, Dilkaasi oo u Dhaca Si Xaq Daro ah.

Dadka Ehelada ah Nasiib Badnaa Nasiibna Xumaa,  Maxaa Yelay Markii Waqti Maalmed Loo soo Sheego Gerri aysan  Filaneyn Daren Walbo  ha ku  Dhashe ka dibna  Lagu Dhaho Ruxii Lagaa Dilay Wax La Geyay Danbi Baaris si loo ogaado Dilkiisa ,Rajada  Galeyso waa mid ah in la soo qabto Danbiilaha Dilka Gestay Si uu Wajaho Cadaalada.

Muqdisho Xarunta C.I.D ee Ku taalo Waa Marti galis Meyd Saacada Walbo oo Dhalato laakin Xukunka iyo Xeerka Yaalo Kuma Farxaan Dadka Xanuunka Gerida ay Taabaatay ee Sugayo in La helo Dilaaga Dilka Geysatay.

Waxaa Laga Qadaa Marxuunka Dhintay Sawiro Mujinayo Qaabka Lo dilay iyo Dhibaatada Jirkiisa gaartay  Ka dib Waxa Laga Qoraa liis ku Saabsan goobta ay Wax Ka dhaceen Ehelada marxuunka  Ka Dhintay ayaa Lagu Amraa inay Aas u Sameystaan Meydka Marqaatiga Benta ah Laga Sameynayo.

Qoraalkan wax uu igu Abuurmay Ka dib markii sheeko Cajiib ah aan yelanay Aabo Curudkiisa loga Dilay Wadda Maka al- Mukarama Isago Bajaj Wado Ka dibna aaan ka shekeysan Cadaalad daradii ku Dhacaday.

Danbi Baaris waa Xarumaha soo Celiyo Cadaalada Luntay ee ay Bulsho Waqti Adaga ku soo jirtay oo ay Maalin Kasto Ka Radiyaan Xafiis Masuul Dowladed  Caadalada ka maqan  Maxa yeelay Hadii Gacanta Lagu soo dhigo Danbi Falaha ee Cadaalada Lagu Rido Soo Ma Yaraan Laheyn  in Cid kasto ay  Si Barer Danbi Mid ugu Xukun ee ah Dhiig si Xaq Daro ah Lagu Daadiy ay  gasho .

Su. aal Hadii Danbi Barista Shaqadii Sharfaneyd Ay ku ekeyeen Sawirka  Marxuun Laga Qaaday oo Kaliya  ee aan Ka dabo Tag Danbi La suubin soo Ma dhicin

“Danbi dhaafid”

W/Q Jeylaani husen yusuf

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.