Dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobalka Bay

Dagaalyahannada Alshabaab ayaa weerar loo adeegsaday qaraxyo ku qaaday degmada Qansaxdheere ee gobalka Bay.

Wararka ka imaanaya degmadaasi ayaa sheegaya in weerar muddo kooban socday uu ka dhacay xarun ay halkaasi ka deggan yihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Itoobiya iyo ciidanka dowladda.

Weerarkani waxaa qeyb ka ahaa qaraxyo sida ay sheegayaan warar halkaa ka soo baxaya inkastoo arrintaasi uu beeniyay maamulka degmada Qansaxdheere.

Guddoomiye xigeenka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee degmadaasi Cabdulle Xasan Saneey ayaa sheegay  in weerarka uu jiro hase yeeshee aynaan jirin qaraxyo ka dhacay degmada.

Wuxuu tilmaamay in wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan jirin isla markaana wuxuu ka hadlay xaaladda sida ay tahay caawa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.