Kooxda Daacish oo weerar ku qaaday magaalada Hiit ee Ciraaq

Magaalada  hiit oo ku taalla dhinaca galbeed ee dalka Ciraaq waxaa ka soconaya dagaal ay ku qaaday kooxda khilaafada islaamka ee Daacish.

Daryanka madaafiic iyo qoryo kale ayay maleeshiyaadka mintidiinta u adeegsanayaan saldhig ay halkaa ku leeyihiin ciidamada ammaanka.

Ilo ammaanka ah oo la helayo iminka ayaa sheegaya in qorshaha kooxda isku magacowday khilaafada Islaamka uu yahay in ay la wareegaan xaruntaasi ciidanka ammaanka dalka Ciraaq.

Ciidamada ammaanka Ciraaq ayay kala kulmayaan iska caabin, lamana oga khasaaraha inta uu la eg yahay illaa iminka.

Warkani wixii ku soo kordha dib kala soco Xogta24

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.