DAAWO: Shabakadda Gedo Times oo Booqatay Degmada Buurdhuubo kana soo qaaday Muuqaalo muujinaya Bilicda Degmadaasi.

Degmada buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waayadii dambe ku talaabsaneysay horumar LA xiriira dhinaca dhismayaasha, iyadoo degmada uu xiligan kajiro baratan dhinaca dhismayaasha ah.

Camerada Shabakadda Wararka ee Gedo Times ayaa Degmadaasi oo ay dhawaan booqatay waxay kasoo qaaday masawirro muujinaya horumarka ay ku talaabsatay Degmadaasi.

Hareeraha wadooyinka degmada iyo Xaafadaha Magaalada ayaa waxaa kusoo badanaya Dhismayaashan Casriga ah.

Ganacsatada Degmada iyo dadka dhaqaalaha roon haysta ayaa go’aansaday in ay muujiyaan bilicda Degmada iyagoo dhismayaashani ka bilaabay gudaha Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Gedo Times oo xilli kasta diyaar LA ah in ay akhristayaasheeda u soo gudbiso muuqaalada iyo horumarada ay ku talaabsanayaan Deegaanada ay akhristayaasheeda ugu badanyihiin ayaa noqotay shabakaddi ugu horeysay ee degmadaasi booqata kana soo qaada muuqaalo muujinaya bilicda Degmadaasi.
buur

buurd

buurdhuubo

burdh

1 Comment

  1. waxaan ma sawiraa,wuz wrong with you all? hadaad na tusaysan sawiro magaalada wadooyinka sawiro kore oo miijuinaya bilicda ama dib u dhac ama horuimar laakiin hada waxad iga qasaariseen valuable 2mnt for this shiit.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.