Maamulka Puntland ”Waa been lama sii deynin maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Puntland iyo Alshabaab”

Maamulka Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inay sii daayeen dhallinyaradii lagu soo qabqabtay dagaalladii Alshabaab ee xeebaha Puntland ka gala

Maamulka  Puntland ayaa ka hadlay warar isa soo taraya oo sheegaya in maamulkaasi uu sii daayay dhallinyaradii Xarakada Alshabaab ee lagu qabqabtay dagaalladii ka dhacay goballada Mudug iyo Nugaal.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay xiriir lasoo sameyeen walidiintii dhaley caruurtii lagu sooqab-qabtey dagaaladaasi

Wasiirka wasaarada Cadaalada ee Puntland Salaax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in  dhaqancelin u samaysay Puntland dhalinyaradii dhowaan lagu soo qabtay dagaalladii u dhexeeyey Puntland iyo Xarakada Al-Shabaab waxa uu sidoo kale tilmaamay in haatan ay xiriir soo sameeyeen walidiintii dhaley caruurtaas.

Wasiirka ayaa sheegay in danbi barayaal ay u direen maxaabiistaas oo soo baara arintooda waxa uu sheegay in hada ay marayaan marxaladii ay maxkamad kuwaji lahayeen, isagoona beeniyey in lasiidaayey qaarkamida maxaabiista.

Hadlakani ayaa yimid markii la helay warar sheegaya in Puntland ay meelaha ay ku heyso ka sii deysay dhallinyaradaasi qaar kamid ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.