Maamulka Isbitaalka Guriceel ”Siyaasadaha gobalka ayaa shaqada isbitaalka saameysay”

isbitaal

Maamulka isbitaalka degmada Guriceel ayaa sheegay in siyaasadaha isdiidan ee ka jira gobalka Galgaduud inay saameyn ku yeesheen howlihii shaqo ee Isbitaalkaasi.

Cali Cumar Tarabi agaasimaha isbitaalka istarliin ee magaalada Guriceel wuxuu sheegay in saameyn ballaaran ay ku yeesheen siyaasadaha iska soo horjeeda ee gobalka ka jira.

Waxa uu tilmaamay in isbitaalka degmada Guriceel uusan qaban shaqadii uu u qaban jiray bulshada taasna ay ugu wacan yihiin daruufo isbiirsaday oo xiligani ka jira halkaa.

Agaasimaha Isbitaalka Cali Cumar Tarabi ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay ku wargaliyaan cabasho dhanka dawooyinka ah inay jirto taasoo lafteeda saameysay shaqadii Isbitaalka hase yeeshee wax jawaab ah aysan ka helin.

Waxa uu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay kala saaraan howlaha bulshada ee beni’aadanimada iyo siyaasadda ay isku hayaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.