Dagaallo xooggan oo ka dhacay Suuriya

Dagaal culus, ayaa laga soo sheegayaa waqooyiga Suuriya oo kooxda Khilaafada Islaamku isku dayeyso inay qabsato magaalada ay falaagadu haysato ee Marea.

Ciidamada kooxda Khilaafada Islaamka, ayaa aroortii hore qaaday weerar taangiyo iyo gawaari bambooyin sida. Tani ayaa ka dambeysay kooxda oo horay ugu socotay goobtaasi maalintii jimcaha.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegaysa in rayidka ka qaxaya dagaalka ay qabsatay xabadaha lays dhaafsanayo. Waxaana laga walaacsan yahay xaaladda ay ku jiraan dad ka badan 160 ruux oo barakacayaal ah oo deganaa agagaarka safka hore ee dagaalka oo u dhow xadka Turkiga.

Dhinaca kale, militeriga Turkiga, ayaa sheegaya in gantaalo ay riydeen lagu dilay in ka badan boqol Kooxda Khilaafada Islaamka Suuriya. Turkiga, ayaa sheegay inay beegsadeen dagaallamayaasha kooxda Khilaafada oo doonayay inay gantaalo xadka kaga soo weeraraan Jimcihii. Ma cadda sida ciidamadu ku heleen tirada saxda ee dhimashada ee ay ka geysteen dhul ay kooxda Khilaafada Islaamku haysato, mana jirto warbixin madax banaan oo laga helay goobtaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.