Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo soo qiimeynaya saameynta fatahaadda wabiga ee Baladweyne

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Baladweyne u tegay sidii ay u soo indha-indheyn lahaayeen xaaladda dadkii ku barakacay fatahaadda iyo colaadda magaaladaasi ka taagan.

Wasiirradani waxaa kamid ah wasiirrada kala ah dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo kan Patrolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana safarkooda ku wehlinaya masuuliyiin kale oo ka kala tirsan dowladda iyo AMISOM.

Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya dalka ayaa qeyb ka ah wafdigani ayaa saakay soo eegi doono xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii magaalada ka barakacay.

Xukuumadda federaalka ayaa dhowaan sheegtay inay Baladweyne u dirayso wafdi soo indha-indheeya xaaladda ay ku nool yihiin qoysaska barakacayaasha ah ee ay saameeyeen fatahaadda wabiga iyo colaadda magaaladaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.