Dhageyso: Saraakiil ka tirsan NISA oo xilalkii laga qaaday iyo baaris ka socota Xamar

Wasaaradda amniga Dowladda  federaalka ayaa sheegtay in shaqo ka fariisin lagu sameeyay saraakiil ka soo muuqatay muuqaal lagu jirdilayo nin la sheegay inuu ku xiran yahay xabsi ku yaalla magaalada.

Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdikaamil Macallin Yuusuf ayaa sheegay in arrintaasi loo xil saaray guddi soo baara oo keena xaqiiqada muuqaalkaasi.

Afhayeenka oo sheegay in muuqaalkani saraakiil ka tirsan taliska nabad sugidda ay ka soo muuqdeen kuwaasoo isbedal ay ku sameysay NISA isla markaana baaris ay ku socoto.

Guddigani ayaa ka kooban wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, tan amniga iyo xubno kale oo ka socda hay’ado u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.