Dagaal uu ku dhaawacmay Korneyl aadan Koronto oo ka dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

deg

Dagaal culus oo saacado badan socday ayaa xalay degmada ceelwaaq ee gobolka gedo wuxuu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo alshabaab oo soo weeraray.

 

Dagaalyahanno ka tirsan alshabaab ayaa weerar ku ekeeyey saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada ceelwaaq.

 

Saraakiil ciidan oo saaka LA hadlay gedo Times ayaa inoo sheegay in banaanka xarunta lagu dagaaalamay ay yaalaan, meydadka lix askari oo shabaab ah.

 

Dhinacooda ayuu sheegay in dhowr askari iyo taliyahooda korneyl aadan koronto ay dhaawacyo kala duwan qabaan.

 

Korneyl koronto ayuu xusay in dhowr farood ay xabad goysay, isagoo dhinaca kale sheegay in dhimasho dhinacooda ah aysan jirin.

 

Majirto war rasmi ah oo ay shabaab dagaalkan kasoo saareen sidoo kale majiraan Ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada dowladda ay dagaalka guulo ka sheeganayaan.

 

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha Allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.