Daawo Sawirro: Dayactir lagu sameynayo waddooyin kamid ah magaalada Muqdisho

Munaasabadan oo lagu furayay howlo dib looga dhisayo wadada shaqaalaha  oo aad u burbursan muhiim  u ah  isu socodka gaadiidka  iyo  dadweynaha oo ay ka qeyb qaadanayaan maamulka degmada  Hodon  iyo shacabka  ku nool degmada ayaa  lagu qabtay  wadada shaqaalaha ee  magaalada Muqdisho

Cabdi Cilmi Guuleed  oo ka mid ah  aqoonyahanada  degmada  Hodon  oo ka hadlay goobta ayaa  sheegay in ay  ka  qeybqaadan doonaan howlaha dib loogu  dayactirayo wadada shaqaalaha ee tegta isgoyska KPP.

Guddoomiyaha  degmada  Hodon  Axmed Salaad Ibraahim ayaa ka warbixiyay howlahan dib looga  dayactirayo wadada shaqaalaha,  wuxuuna  ugu baaqay  bulshada  ku nool degmada  ganacsatada  iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan  dib u dhiska.

Xildhibaan  Aadan  Ibraahim  Dhaayow  oo ka  mid ah golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa ugu baaqay  mas’uuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya  iyo qeybha  kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in ay  gacan ka  geystaan  dayactirka wadada  shaqaalaha.

wadooyin dhowr ah oo ku yaala  magaalada  Muqdisho  ayaa  dib u dhis  lagu sameeyay  kaDdib markii  ay iska kaashadeen  bulshada Soomaalieed  iyo maamulada degmooyinka,  kuwaasoo  magaakada Muqdisho  ku soo  kordhiyay  isbedel dhinaca  bilicda ah.

DSCN0142 DSCN0143 DSCN0145 DSCN0150 DSCN0161

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.