Madaxweynaha oo soo saaray xeer lagu meel marinayo heshiiskii madasha watashiga+Dhageyso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka shir Jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa soo saaray xeer lagu dhaqan gelinayo go’aannadii ka soo baxay madasha watashiga qaran ee ahaa in dalka ay ka dhacaan sanadkan doorashooyin dadban.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in doorashooyinka ay dhicidoonaan waxqtigi loogu talagalay isagoo tilmaamay in xeerkaasi uu dhaqan gelidoono maanta.

Qodobada uu Madaxweynuhu xeeriyay ayaa ah kuwan soo socda.

Qodobka 1aad

  1. In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.
  2. In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.

Qodobka 2aad

  1. In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
  2. Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.

Xeerkan ayaa dhaqan-galey maanta kadib markii uu si rasmi ah qalinka ugu duugay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.