Dadkii ka barakacay fatahaadda iyo colaadda Beledweyne oo ka cabanaya nolol xumo

baladwayne

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda nololeed ee dadki ka barakacay fatahaadda iyo colaadda Beledweyne kuwaasoo ku dhibaateysan duleeddada magaaladaasi.

Qoysaska ka barakacay Beledweyne oo gaaray deegaannada Janta Kun dishe iyo Ceel jaalle ayaan heysan gabbaad ay galaan gabowga habeenki, dhibicda roobka iyo qoraxda maalinti, tiiyoo ay u sii dheertahay cunto la’aan.

Waxaa sii kordhaya qulqulka dadka ka barakacaya xaafadaha magaaladaasi, kaddib markii biyaha wabigu gaareen xaafado badan oo ka mid ah degmadaasi, inkastoo ay socdaan gurmad lagu soo saarayo dad weli ku go’doonsan guryahooda.

Qaar ka mid ah barakacayaashaasi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa dalbaday in lala soo gaaro gurmad deg deg ah maaddaama ay ka barakaceen guryahoodii haatana ay ku suganyihiin meel banaan oo an laheyn waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha bani’aadamka.

Maamulka degmada Beledweyn iyo kan gobolka Hiiraan ayaa hore u dalbaday in loo soo gurmado dadkaasi barakacayaasha ah, iygoo tilmaamay iney wadaan dadaallo ay ugu gurmanayaan dadkaasi intii karaankooda ah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.