DEGDEG: Dagaalkii Baladweyne oo la joojiyay iyo meydad la helay

Maamulka degmada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in la joojiyay dagaal beeleedkii magaaladaasi ka socday muddo ku siman shan maalin.

Dagaalkani oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah kuwaasoo ku noolaa magaalada Baladweyne.

Duqa degmada Baladweyne Cumar Aadan Deeqow ayaa caawa  xaqiijiyay  in maleeshiyo beeleedkii labada dhinac la kala qaaday halkii ay isku horfadhiyaan balse uusan jirin wax wada hadal ah.

Wuxuu sheegay in arrintani ay u suurtagashay maamulka dowladda, AMISOM iyo odayaasha qabaa’ilada kale ee magaaladaasi deggan.

Duqa degmada Baladweyne ayaa sheegay in meydadka qaar maanta la aasay kuwaasoo dagaalka ku dhintay.

Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa caawa deganaansho laga dareemayaa kadib afar habeen oo la soo dhaafay oo halkaasi uu dagaal ka soconayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.