Xubno ka socda golaha ammaanka QM oo Muqdisho soo gaadhay

Xubno ka socda golaha ammaanka Qaramada madoobe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho

Xubno ka socda Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa  iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

U jeedada imaanshaha golaha ammaanka ayaa la sheegay inuu  xiriiro sidii loo dardargelin lahaa qorshaha doorashooyinka dadban ee sanadkan lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka tagay kulanka baarlamaanka, iyadoo madaxweynaha uu xildhibaanada ka codsaday in ay dedejiyaan ansixinta hanaanka doorashada dalka oo golaha shacabka ay gacanta ku hayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maamul gobaleedyada ay qeyb ka yihiin madaxda la kulmaysa golaha ammaanka ee qaramada madoobe oo Muqdisho soo gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.