Kerry oo Bogaadiyey Heshiiska La Dagaalanka Kalluumeysiga Sharci Darrada Ah

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa bogaaday oo ku qeexay shalay maalin is-beddel weyn laga sameeyey dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah kalluumeysiga sharci darrada ah.

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha QM ee loo soo gaabiyo FAO, ayaa ku dhowaaqday in 29 dal iyo Midowga Yurub ay ku biireen heshiiskii la saxiixay 2009 ee looga hortagayo, lagubaa bi’inayo kalluumeysiha sharci darrada ah ee IUU.

Bayaan uu soo saaray Kerry ayuu ku sheegay in “ayada oo iminka ay 30 dal iyo ururo ay qeyb ka yihiin, uu heshiiska si rasmi ah u dhaqan geli doono shanta bisha June ee sanadkan, taasi oo awood u siin doonta dalalka ku biiray heshiiska inay adeegsadaan xeeldaha lagama maarmaanka ah ee ay kaga hortagayaan iibka kalluunka sharci darrada ah”.

“Kalluumeysiga sharci darrada ah, waxa uu badaheena sanad kasta ka xadaa kheyraad u dhigma balaayin dollar, taasi oo dhaawac gaarsiineysa kuwa u hoggaansama sharciga, oo ay ku jiraan tobanaan kun oo ah dad Mareykan ah oo qoysaskooda ka taageera kalluumeysiga sharciga iyo mas’uuliyadda ku saleysan” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka.

Kerry waxa uu sheegay in si heshiiskan uu saameynta ugu ballaaran u yeesho loo baahan yahay in dalal dheeri ah ay ku biiraan heshiiska ka dhanka ah kalluumeysiga sharci darrada ah iyo kan aan la sharciyeyn.

Dhaqan gelinta heshiiska ayuu sheegay inay qeyb ka tahay dhaqdhaqaaq caalami ah oo lagu badbaadinayo badaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.