Faahfaahin: Dagaalkii Baladweyne oo weli socda iyo maamulka oo gacanta ka taagtay

baladwayn

Dagaal ayaa maalintii labaad si goos goos ah uga socda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo shalay ka bilowday magaalada ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo horey xurgufi u dhex martay dhowr jeer.

Inta la ogyahay ilaa iyo sideed qof oo isugu jira shacab iyo dhinacayadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka 10 kalena wey ku dhaawacmeen.

Maamulka magaalada  ayaa sheegay inaysan awood u laheyn in laba maleeshiyo ee dirireysa ay kala dhex galaan.

Dagaalka ayaa saameyeeyay nolosha magaalada, iyadoo dad fara badan ay guryahooda ka bara kaceen, ganacsigii iyo dhadhaqaaqii gaadiidkuna wuu istaagay.

Dagaaladan ayaa ku soo beegamay xiilo qeybo ka mid ah magaalada looga barakay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.