Maamulka degmada Xudur oo beeniyay inay ciidanka geysteen bililiqo

Maamulka degmada Xudur ayaa ka jawaabay dhaliilo loo jeediyay ciidamada dowladda federaalka oo ku aadan inay bililiqo u geysteen deegaanno ay la wareegeen.

Warkani ayaa yimid markii ay soo ifbaxeen eedeymo loo jeedinayay ciidamadaasi huwanta ah ee dowladda iyo Itoobiya oo ku aadan in deegaannada ay gaareen ay ka geysteen ciidanka bililiqo intaas kadibna ay isaga soo laabtaan.

Wuxuu sheegay in howlgalka ay wadaan uu yahay mid guud oo ay ku doonayaan in ay isugu furaan waddooyinka xiriiriya degmooyinka gobalka Bakool oo nolosha qoysaska danta yar saameyn ku yeeshay.

Guddoomiye xigeenka amniga ee degmada Xudur ayaa sheegay in aynaan waxba ka jirin in ciidanka dowladda ay bililiqo  u geysteen dad shacab ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.