Maqaal Qaade iyo qarshe Maxay is Dhaamaan W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax

jim

Waa arin amakaag iyo af kala qaad igu noqotay arimo wayadaan laysla dhexmarayey oo iminka oo aan dacaayad u qabay markii ay soo isbaxday in ay run tahay.waayadaan oo dhan baa dhegahayga waxaa ku soo dhacayey in sucuudiga gabdho soomaaliyeed loo dhoofinaayo,waxay ila noqotay wax maanka ka weyn in shakhsi soomaaliya uu ku dhaqaaqo fal noocaas ah masuul sarana iskaba dhaaf.

Ugu danbayntii waxaa dhegahaygu si fiican u maqleen waraysi madaxweynaha dalka ee VOA lagu weydiyey arintaas oo uu qirtay in ay jirto si buuxdana u cadeeyey in uu gabdho iska daaye wiilalna dhoofinaayo.amakaag iyo af kalaqaad bay igu noqotay,marna waxaaban is iri waad riyoonaysaa.

Aniga oo dhakafaarkii iyo waad riyoonaysaa ku jira ayaan Wasaarada shaqada JFS masuuliinteeda ka dhegaystay in ayada oo fullineysa amar madaxtooyada uga yimid ay diyaarineyso laba kun oo hablo ah oo da,dood u dhexayso 15-25,islamarkaasna ay khandaraas ku siineyso shirkado ka sii dulaala.

Sidaas darted maanta oo ku began 15May waxaan uga tacsiyadaynayaa dhammaan dhalinyarada soomaliyeed meel kasta ha joogtee 15May 2016 oo ugu dhalatay maalin madow oo aan taarikhda dhalinyarada Soomaalida soo marin waligood.

Waxaan is weydiiyey arintaan oon u arkay in waajib ka saran yahay qof kasta oo soo Soomaali ah waxa aniga iga saran shaqsi ahaan,waxayna ila noqotay sidaan

-marka hore gabdha la dhoofinaayo in aan u sheego camalka aad u socotaan in uu xaaraan yahay.

-marka xiga culumada soomaaliyeed ayaga weeye kuu lagala dardaarmay in ay xambaarsanyihiin Diinta,haday ka aamusaan oo masaajida ka sheegiwaayaan Alle waa kala xisaabtamidoonaa.

-marxiga masuulkasta oo soomaali ah gaar ahaan golaha wasiirada iyo Baarlamaanka xilgaar ah baa kasaaran wax kasta oo arintaas ku saadsan ka fakan mayaan hadday ka aamusaan.ugu danbayn inta waxqorata oo dadka bogag ay wax ugu gudbiyaan dadka leh ee ka aamusa waa la mid

Wa bilaahi towfiiq

W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.