Degdeg: Cabdi Wahaab Xaaji Turbac iyo Cabdi Shire oo ugu cadcad Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland. “akhriso”

War Gooordhaw Soo Gaaray Warqabadka Gedo Times ee Kismaayo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe ay xaaladu ku xumaatay tan iyo markii ay saaka soo shaacbaxday in Maxamuud Sayid aadan uu u wado madaxweyne Kxuigeenka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyey ee Inaga soo gaaraya Madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in qorshihii ahaa in Maxmauud Sayid lagu Magacaabo Culeysyo badan oo Yimid Dartood uu u badalay Axmed Madoobe, iyadoo wararka Qaar ay Sheegayaan in Xilka Madaxweyne Kuxigeenka uu sii ahaandoono Janaraal fartaag.

Sidoo kale warar kale ayaa iyagune sheegaya in Laba siyaasi ay Iminka Miiska u saaranyihiin Axmed Madoobe kuwaas oo kala Cabdiwahaab Xaaji Muxumed Turbac oo ay fartaag Ilma Adeer yihiin iyo Siyaasiga Caanka ah ee Cabdi Shire Warsame.

Ma Cadda sida uu go’aan iskiis ah u qaadan Doono Axmed Madoobe, Xilli Soojeedinta Itoobiya ay tahay un in Fartaag uu Madaxweyne Kuxigeen ahaado, Waxaase qorshahaashani uu uga danleeyahay iyadoo Siyaasiyiintani ay ku dhawyihiin Fartaag, sidaasne uu u arko in uu isku jabin karo ama ugu yaraan uu Daaqadda fartaag uga saari karo.

Wixii kusoo kordha Siyaasadda Culus ee Kismaayo ka taagan kala soco Gedo Times Insha allah.

Muxuyadiin Colow

Kismaayo , Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.