SAWIRRO: Madaxweynaha maamulka Puntland oo booqday dhaawaca wasiirka amniga ee maamulkiisa

Madaxweynaha maamulka Puntland oo booqday dhaawaca wasiirka amniga ee maamulkiisa oo lagu dabiibayo Isbitaal caafimaad oo ku yaalla dalka Jabuuti.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa maanta 09-May-2016  cusbitalka Cumar  Xasan Al-bashiir ee magaalada Jabuuti ku booqday Wasiirka amniga maamulkaasi Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lagu dabiibayo cusbitalkaasi.

Wasiirka amniga ayaa ku dhaawacmay shaqaaqo dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Boosaaso kadib markii ay ismaandhaafeen ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku welinayey Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed iyo xubno ka mid ah waftigii uu  Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Agaasimaha Cusbitalka ayaa hoggaamiye Cabdiweli Gaas uga warbixiyey xaaladda guud ee Wasiirka waxaana uu sheegay in uu Wasiirku aad u caafimaad qabo isla markaana xaaladiisu ay meel wanaagsan marayso balse maalmo kooban lagu sii baxnaanin doono cusbitalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wasiirka ku booqday qolka uu cusbitalka ka jiifo, waxaana uu si gaar ah uga waraystay guud ahaan xaaladihiisa caafimaad iyo waxa uu dareemayo maadaama uu Wasiirku  muddo kooban ku jirey cusbitalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la sheegayay in dhaawiciisa uu culus yahay ayaa qorshaha uu yahay in maalmaha soo socda lagu sii dabiibo dalka Jabuuti.

—DHAMMAAD—

13214651_10154174764287458_561725041_o 13113149_10154174764162458_1416019725_o 13141146_10154174764637458_1769119947_n 13161317_10154174764212458_958530823_o 13161350_10154174762702458_1137216282_o 13170556_10154174764587458_1160348052_o 13170697_10154174764257458_847475702_o (1) 13184645_10154174764532458_440261332_o 13184752_10154174763652458_354642952_o 13210946_10154174762807458_619840601_o 13211173_10154174764602458_411086761_o 13214605_10154174759492458_961725296_o

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.