Ra’iisul Wasaaraha oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle

Muqdisho, May 9, 2016——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, kaasoo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Waa geeri naxdin leh, waxaana tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhamaamba ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, waxaana leeyahay Alle ha naga wada Samir siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha isaga oo xusay in Ugaaska uu ku yaqaanay nabadoon-nimo, daacad-nimo iyo Alle ka cabsi.

“Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle wuxuu ahaa shaqsi qeyb weyn ka soo qaatay nabadeynta iyo arrimaha dhaqanka, waxaana lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii raadinta nabadda iyo xalinta khilaafaadka” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

—-DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.