Soomaali banaan bax ka sameeysay Sweden “Daawo Sawirro”

Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Sweden  oo gef iyo meel ka dhac u geysatay ummadda Soomaaliyeed  ayaa ka dhacay magaalada Orebero ee dalka Sweden.
Banaanbaxan ayaa ka dhacay banaanka hore ee aqalka uu ka socday shirweynaha xisgiba bidixda (V) oo ay haweyneydan ka tirsan tahay,

Waxaana banaanbaxayaasha ay wateen boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yiin dadka Soomaaliyeed falkii naceybka ahaa oo  ay ku kacday Xildhibaanadan, iyadoo xisbigeeda loogu baaqay in gabi ahaanba laga eryo, lagana saaro liiska xildhibaanada Sweden maaddaama fal  naceyb iyo cunsuriyad  ah ay qowmniyad dhan kula kacday.

Xildhibanadan oo lagu magacaabo Amineh Kakabaveh ayaa baraha bulshada ku faafisisay Video Been abuur ah oo qolo cunsuriyiin ah ay ka sameeyeen muuqaal hore oo tarjumad qaldan lagu sameeyey kaas oo lagu sheegay hadalo meel ka dhac ah,

Waxaana si weyn arinkan uga gilgishay guud ahaan Soomaalida ku nool Sweden taas oo markii dambe keentay in  xisbiga bidixda oo ay xildhibaanadan ka tirsan tahay ay  ku sameeyaan shaqo joojin muddo hal bil ah hase yeeshee go’aankaasi dadka Soomaaliyeed kuma qanacsana.

banaanbax-or banaanbax-orebro1 banaanbax-orebro-11-1

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.