Dhageyso: Xildhibaan Xoosh jabriil ”MD Xasan ha qirto qaladka dastuuriga ah ee uu galay”

xoosh

Xildhibaan Xoosh Jabriil oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu raali galin ka bixiyo qodobada dastuuriga ah ee uu hareermaray.

Wareysi uu siiyay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho Xildhibaan Xoosh Jabriil ayuu ku sheegay in xil ka qaadistii uu madaxweynaha ku sameeyay guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka Caydiid Ilka Xanaf iyo magacaabista guddoomiyaha cusub Dr. Ibraahim Iidle in labada tallaabo ay yihiin kuwa ka hor imaanaya dastuurka dalka u degsan.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uusan hareermari Karin dastuurka arrintaasina ay mudan tahay in baarlamaanka ay ka hadlaan.

Mar aynu weydiinay qodobada dastuurka ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku xad gudbay ayuu sheegay in qodobadaasi ay kamid yihiin qodobka 109-aad iyo qodobka 90-aad.

Abuukaate Xoosh Jabriil ayaa xiligii la sameynayay dastuurka KMG ee dalka hadda u degsan waxa uu ahaa wasiirkii dastuurka ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna tallaabooyinkani uu madaxweynaha ku eedeynayo uu ku tilmaamay inay noqon doonaan kuwa shacbiga ay ka shallaayaan haddii weeyaane aan wax laga qaban, isagoo ku celceliyay in arrintani ay baarlamaanka federaalka u taallo

Halkan ka dhagayso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.