Afghanistan: Shil ay ku dhinteen 70 kuna dhaawacmeen in ka badan 50 ruux

Labo bas iyo booyad shidaal ayaa isku dhacay dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Afghanistan, Ismaaciil Kawoosi, ayaa sheegay in tiro ka badan 70 ay ku dhinteen shil gawaari oo ka dhacay bariga Afghanistan.

Labo bas iyo booyad shidaal ayuu dabka ka kacay kaddib markii ay isku dhaceen wadada isku xirta Kabul iyo Kandahar. Waxaana la sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay 50 ruux.

Inta badan dadka dhintay ayaa gubtay iyagoo aan la aqoonsan karin. Tobaneeyo kale ayaa dabkii soo gaaray iyo dhaawacyo kale laga daaweynayaa

Seddaxda gaari ayuu dabku wada qabsaday markii ay isku dhaceen.

Shilalka gawaarida ayaa caadi ka ah Afghanistan halkaasi oo xaaladda wadooyinku ay liitaan.

Wariyaha BBCda ee Kabul, Mahfouz Zubaide, ayaa soo sheegay in darawalada ay xawaare ku wadaan gawaarida oo aysan raacin shuruucda wadooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.