DEGDEG: Ganacsade goor dhow lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Koox hubeysan ayaa salaaddii maqrib kadib waxay magaalada Gaalkacyo ku dileen mid kamid ah ganacsatada magaaladaasi.

Cumar Cabdulle Cumar Dheere, oo ayaa ahaa guddoomiyihii ganacsatada gobalka Mudug ee Puntland sidoo kalena wuxuu ahaa maareeyaha shirkadda isgaarsiinta Somtel ee gobalka Mudug.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ahaa nin laga yaqaanay waqooyiga Gaalkacyo.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa halkii dilka uu ka dhacay ka wada howlgallo ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan dadkii ka dambeeyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.