Baarlamaanka oo dood ka yeeshay mooshinka xil ka qaadista Ilka Xanaf

barlaman

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ayaa maanta dhagaystay mooshin ka dhan ah xil ka qaadistii guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka kaasoo ay saxiixeen mudanayaal gaaraya 100 xildhibaan.

Xildhibaannada ayaa dhagaysiga mooshinka kadib ka dooday xil ka qaadistii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sameeyay guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Caydiid Ilka Xanaf.

Badi xildhibaannada ka hadlay doodda waxa ay tilmaameen xil ka qaadistii guddoomiyihii maxkamadda sare in ay tahay wax aan loo heysan wax sharciyad ah.

Sidoo kale xildhibaannada qaar ayaa dalbaday in iminka la guda galo dhismaha guddiga adeegga garsoorka dalka oo uu qeyb ka yahay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo hadda magacaaban, waxaana mudanayaashaasi ay dalbadeen baarlamaanka in la horkeeno xubnaha guddiga golaha adeegga garsoorka.

Inkastoo ay badnaayeen xildhibaannaddii maanta ka dooday mooshinka ka dhanka ah xil ka qaadistii Caydiid Ilka Xanaf ayaa waxaa kamid ahaa xildhibaannada ayaa waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu ku xad gudbay sharcigii dalka iyo dastuurka.

Caydiid Ilka Xanaf ayaa xalay soo dhoweeyay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.