Weerar khasaare geystay oo xalay ka dhacay xerada Kenya ee degmada Baardheere(Warbixin)

amisom

 

Wararka ka imaanaya saaka halkaa ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mi deggan.

Dagaal kooban ayaa xalay ka dhacay fariisinkaasi oo markii dambe lagu soo warramayo inuu joogsaday isla xalay.

Weerarkani ayaa ka dhacay xarunta ay Kenya ku leeyihiin duleedka degmadaasi Baardheere gaar ahaan wadada aadda dhinaca degmada Ceelwaaq.

Dagaalyahannada iyo ciidanka Kenya ayaa muddo kooban ku dagaallamayay xeradaasi iyadoo la maqlayay rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Dad ku sugan Baardheere ayaa inoo sheegay in weerarka uu ahaa mid socday saacado kooban balse dadku ay maqlayeen hubka darandooriga u dhaca oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

“meesha xerada u ah Kenyaatigu waxaa ka dhacay dagaal waxaana soo qaaday Alshabaab, khasaare ma ogin illaa hadda xaaladduna saaka way deggan tahay” ayuu yiri qof goobjooge ah.

Warar laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkani uu sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac balse aan la ogeyn inta uu la eg yahay.

Xaaladda ayaa saaka deggan waxaana la soo sheegayaa in ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo halkaa ay ka sameynayaan.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waxayna ciidankaasi ku sugan yihiin goballada Jubbaland waxayna inta badan weerarro gaadmo u badan oo khasaare ay ka soo gaaraan kala kulmaan Alshabaab.

 

1 Comment

Leave a Reply to Amiir Abdullahi Wadani Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.