Qoysas ka soo cararay colaado iyo abaaro oo la dejiyay Shabeellaha Hoose

Qoysas ka soo cararay colaado iyo abaaro ka jiray deegaannadooda ayaa muddooyinkii dambe dib u dejin loogu sameynayay deegaanno kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose

Guddoomiyaha dib u dejinta Koonfur Galbeed u qaabilsan ee gobalka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxmaan Cabdi ayaa sheegay in ay dib u dejin u sameeyeen qoysas gaaraya kumanaan .

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay wadaan abaabul ah in dib u dejin loo sameeyo qoysas hor leh oo ka soo cararaya deegaannadooda oo ku yaalla goballada Shabeellaha iyo kuwa kale oo Koonfur Galbeed ku yaalla.

Wuxuu sheegay in waxa ugu weyn oo dadka ay ka barakacayaan ay yihiin colaadda iyo abaaro ka jiray deegaannadii ay deganaayeen.

Wuxuu ku baaqay in gurmad beni’aadanimo lala soo gaaro qoysaskaasi oo uu ku sheegay inay yihiin dad u baahan gurmad degdeg ah oo ay helaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.