Faafaahin: Alshabaab oo Xalay Weerar ku qaaday Fariisin Ciidamada Kenya ay kuleeyihiin Duleedka Degmada Baardheere.

Xarakada Alshabaab ayaa Xalay Weerar culus ku qaaday Fariisinka Ciidamada AMISOM Qeybta Kenya, ay ku leeyihiin Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Fariisinkani oo Dhaca Duleedka Galbeed ee Degmada Baardheere ayaa weerar ay alshabaab ku ekeeyeen, kadib markii duulaan qorsheysan ay kusoo qaadeen, iyadoo lasoo warinayo in khasaare uu halkaasi ka dhacay u dhaxeeya dhinacyada Dagaalamay.

Goobjoogayaal Dagan Ciriifka Galbeed ee Degmada ayaa Gedo Times u sheegay in ay maqlayeen Hugunka Rasaasta ay dhinacyadu isweydaarsanayeen, iyagoo sheegay in cabsi baaxad leh ay soo wajahday, tiiyoo ay dheertahay in aysan jirin cid iyaga shacabka ah u aaba yeeshay, inkastoo khasaare shacab gaaray aan ilaa iyo hadda lasoo warin.

Kenyanka Baardheere ku sugan iyo guud ahaan Taliska AMISOM wali wax war ah kama aysan soo saarin Duulaankan qorsheysan ee Xalay ay Alshabaab kusoo qaadeen, balse Alshabaab ayaa Warbaahinta Afkooda ku hadasha iyo Baraha ay Internetka kuleeyihiin ku sheegay in Khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba ay U geysteen Ciidamada Kenya.

Xaaladda ayaa Iminka ah mid dagan, waxaana Xiriiro aan lasameynay Saraakiisha Dowladda ee Degmadaasi ku sugan ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan Weerarka xalay Degmada ka dhacay,

Wali waxan ku daba jirnaa Xiriirada aan lasameyneyno Saraakiisha Baardheere, amrka ugu horeysa ee ay inoo saamaxaan in ay nala hadlaane Akhristayaashena waa la wadaagi Doona Inshaa allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.