Daawo: Mashaariic Hormarineed oo lag Fulinaayo Degmada Baardheere oo Degmadaasi looga Dhawaaqay.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa Maanta Munaasabad Sagootin ah loogu sameeyey Wafdigii ka socday Jubaland ee uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Jubbaland Mudane Axmed Handal, kuwaas oo Maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Degmada Baardheere.

Wafdiga ayaa intii ay joogeen iyaga iyo Maamulka Degmada iyo kan gobolka Gedo waxay ka wada hadleen sidii Mashaariic Hormarineed oo ay Jubbaland ugu talagashay Degmadaasi baardheere looga Fulin lahaa.

Mashaariicdani oo ay Jubbaland iyo Deeqbixiyayaal iska kaashanayaan, ayaa lagu dayactiri doonaa xarumihii maamulka ee Degmadaasi iyo Goobo kale oo arimo bulsho sida isbitaalka Guud ee Degmada Baardheere, iyo Goobo kale oo Degmadaasi ku yaala.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ka socotay ayaa dhagax dhigay goobaha ay doonayaan in ay dib u dayactirka ku sameeyaan, kuwaas oo ay iswadajir ah u dhagaxdhigeen iyaga iyo Maamulka Degmada Baardheere.

Gudoomiyaha Degmadaasi Cadow Nuur Xasan iyo Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa iyagune Madashaasi ka sheegay in mashruucani uu goordhaw Taaba Gali doono, iyagoo Maamulka Jubbaland uga mahadceliyey Mashaariicda hormarineed ee ay Deegaanada Kismaayo ka baxsan u soo dadajiyeen.

Hoos Ka Daawo masawirada Wafdiga Sagootita loo sameeyey.

Alqaadi

B1

B2

B3

B4

B5

B6

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.