Maqaal : Maxamuud Sayid Waa kuma” W/Q: Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

jim

Maanta taarhiikhdu waa 03/04/2016.dhawr maalin ka hor baan akhriyey ama aan dhegaystay qoraal maqal iyo muuqaal ahaa oo uu kasoo Muuqday Mahamuud Siyad aden,waxay ahayd arin carun iyo dhiig leh oo aad looga yaqyaqsado.Waxaa laga joogaa dhawr usbuuc markii uu heshiis asagu aad uga dhexmuuqday ay beesha sade laga gashay Maamulka Jubbaland.kaasi oo ka dhacay magalada Kismaanyo,annigu ma joogin beeshana ka mid baan ahay haddana aad baan u taageeray heshiiskaas.

Heshiiskii Beesha Sade ku gashay Neyroobi ee dhexmaray ayada iyo dawlada Keenya waxuu iigu muuqday mid lagu xoojinaayo kii Kismaanyo ka dhacay ama aan si kale u dhahee baal cusub u duray Siyaasadda Jubbaland kaas oo ay Garwadeenka ka ahaayeen Maxamuud Siyid Aaden iyo rag kale, waana cambaareeyey asaga oo sabab uga dhigay haddii heshiis lagalaayo in aan anigu joogo ayey ahayd.Waa yaab Beesha Sade sow kama mug weyna qol gudihi,mise wuxuu ula jeeday heshiis aana ogayn beesha Sade ma qaadan karto? Beesha Yaa Hogaan SIyaadeed uga dhigay Maxamuud Sayid iyo in la halmaasha ?? Jawaabta waxaan u daayey beesha.

Markii aan intaan akhriyay ayaan dib u milicsaday Kumuu yahay Maxamuud Sayid waxaana isoo baxay Huumaag dhab ah ee Bal ila arag ;-

1-2000 ayey ahayd markii uu yimid Baardheere oo aan markaas ku sugnaa ,wuxuu la shiray waxgaradkii beesha oo aan ka mid ahaa,wuxuuna u soo jeediyey in Jeneral Axmed Warsame iyo Barre Aden Shire oo markaas is dhiibaan,isuna dhiibaan General moorgan oo uu hoos jooge u ahaa.aad baa loola yaabay ,looma jawaabin halkii uu fadhiyey baa looga dareeray,laba usbuuc ka dib ciidamo uu hogaaminayey generaalkii uu hoos joogtaha u ahaa asaga oo horkacaaya buu Baardheere ku soo weeraray jab xun ceeb baa karaacay.

2-Mar kale 2004 baan kula kulmay beledxaawo Sadaha ku noolaa Nawaaxiga Daawo ayuu colaad dhexdhigay mudo badan baa waxaa halkaas dhacaayey dagaalo lagu hoobtay naf iyo maal.Bishii juun baan ka soo baxay oo bilow ah maalin ka hore markii kooxdiisii oo magalada dabjoog ka ahayd werar ku soo qaaday aysan ku guuleysan laakiin masiibo beeleed iyo dhimasho boqol wiil ka dhacday.

3-waxaa xigtay in laga heshiiyey dhibaatadaas .Maxamuudna beeshu waxay ka dhigtay xildhibaan oo mudo ahaa wasiirna ku gaaray.

4-mar kale Maxamuud masiirka Beesha Sade wuxuu la aaday Koofur Galbeed,markii fikirkaasi gadmiwaayeyna way soo cayrisay.

5-Maxamuud wuxuu isku soo dhextuuray maamulkii Gobolka gedo oo maamulka Jubaland dhaliisanaa laakiin dhisaha jubalaand aan diidaney.Marar badan baa Maxamuud isku dayey in uu kaligi u duso hogaamiya jubalaand laakiin wuu gadmi waayey,taas oo ugu danbayn noqotay in uu beesha dhinac karaaco heshiis uu qayb ka ahaana beeshu la gasho Hogaamiyaha Jubalaand ,waxaana loo arkaayey guul dadka daneeya jubalaand.

Ugu danbayn dhawr maalin kama soo wareegin markii Heshiiskii uu kismaanyo ku galay mid kaabaya uu cambaareeyey kuna sababeeyey anigu ma joogin,waxaa ii soo baxay humaaga aan qormada cinwaanka uga dhigay ee ah dabraac aan xishoon.

W/Q: Cabdullaahi Jimcaale Faarax

JIMCAAALE

3 Comments

  1. Ninkaan labaxay cabdullahi Jimacaale faarax waxa uu kahadlay waa cuqdad uu qabo iyo naceyb uu uqabo maxamuud sayid iyo beesha uu kasojeda sida kucad qoraalkiisa laakin naceybkaan waa mid dad badan oo adiga kaa horeeyay horay ogu dhamaadeen kuwa kenya lagalay heshiiska ee aad difaaceyso wax gobalkaan kayaqaano malahan halka maxamuud sayid lagu xasuusto geesinimo iyo wadaninimo marki uu Alshabaab kasaaray gobalka Gedo halka xildhibaanadi asaga lamidka ahaa ee matalayay gobalka ey muqdisho iskajiifeen asaga wuxuu hogaaminaayay ciidamada xoreeyay Gobalka lagasoobilaabo 2011 – 2015 marka qodobada aad kahadashay jawaab uma baahno haduu kahadlay shirka kenya lala galayna wuu kusaxanyahay maxaa yeelay qabiil meel uu xukumo miyaad aragtay maanta gobalka waxaa isku hayo waa dowlad niman sheeganaayo iyo uruka Alshabaaab. Marka waxaad ogataa Xiirana iyo hebel shirdoon oo markey gudan waayeen xilki loo magacaabay laceyriyay sidi eey tuug ah oo raadinaayo meel ey hal maalin ah kaqadeeyaan ma matalaan beesha xuduuda gedo ey laleedahay kenyan dadka dago waa layaqaanaa marka inaad iska aamustaa kuu rooneyd caadaqatayahow.

  2. Bismillah.
    Hadalka walaalkeen Cabdullahi ,waa hadal qodobaysan, miisaan leh, taariikh iyo xogne lagu soo qaatay. Waa qoraal ku wajahan shaqsi ee ma arag meel uu wax ooga sheegay Beesha uu ka soo jeedo sakhsigaasi. Waxaa liidasho ah comments uu bixiyay Siraaj oo qoraalkii u weeciyay qabyaalad hoose iyo wax asaga madaxiisa ka guuxayay. Siraaj allah ku caafiyo Waad bugtaaye.

  3. HAL WAA IN LAXASUUSNAADAA MAR HADII AAD SIYAASI NOQOTO WAXAAD SAMEYSO DADKU WAY XUSAYAAN WAXII AAD SAMEYSO SIYAASIGANA WAA U DULQAATAA SAXIISA IYO QALADKIISA.
    MAQAALKAAN UU ODAYGAAN SAMEEYEY WUXUU KA HADLAY SHAQSI HAWLUHUU SAMEEYEY ISAGOO ADEEGSANAYAA TIXRAAC SIDA TARIIQDA QOFKII DHALIILAYA WAA INUU DHAHAA TARIIQDAA MA SAMEYN SAAS OO SAAS BUU SAMEEYEY MIDA XAQIIDANA AH SIYAASI MARAR BADAN QALAD BAY SAMEEYAAN OO HADBA WAJI CUSUB BAY KU JIRAAN WAXAAD ARKAYSAA NINKII AAD TAAGEERSAYSAY OO BAD KALE KUJIRA MARKA SAAS HALOO FAHMO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.