DEGDEG: Ugu yaraan seddex qof oo ku dhimatay duqeymo ka dhacay Xalab

Ugu yaraan seddex qof ayaa ku dhintay duqeymo mar kale ka dhacay magaalada Xalab, kadib markii la duqeeyay xarun caafimaad.

Isbitaalka la duqeeyay oo ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaalada Xalab ayaa waxaa duqeyntani fuliyay kooxda dowladda Islaamiga sheegata ee Daacish.

Kooxda dabagalka qaramada madoobe u qaabilsan ayaa maanta oo Talaado ah warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 19 qof ay ku dhinteen duqeymo ka dhacay dhulka ay ka arrimiso dowladda Suuriya.

Daacish iyo xoogga dowladda Suuriya ayaa waxaa maanta ay ku dagaallameen Xalab, iyagoo isdhaafsaday bambaanooyin iyo hub kale.

Warbaahinta dowladda ayaa soo warisay in seddex haween ah ay ku dhinteen gudaha isbitaalka la bartilmaameedsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.