War hadda Soo Dhacay : Cabdirashiid Indhakoreey oo Baledxaawo isaga Baxay, Doolowne Dib ugu laabtay.

Degmada baledxaawo waxaa gabi ahaanba Galabta isaga Baxay Cabdirashiid Indhakoreey iyo Maleyshiyaadkii isaga daacadda u ahaa, kuwaas oo gaaray Degmada Doolow oo ay markii hore kasoo duulaan tageen.

Cabdirashiid Indhakoreey oo muddo usbuuc ku dhaw ku sugnaa Degamdaasi Baledxaawo, ayaa isaga baxay Degmadaasi kadib markii uu maqlay in Masuulyiinitii Gobolka iyo Xildhibaankii Magaalada Dibad jooga ka ahaa ay Degmada Doolow aadeen.

Inakstoo warkaasi uusan run aheyn ah in masuulyiiintaasi ay Doolow gaareen ayuu hadane isaga baxay Degmadii Baledxaawo ee uu ku sugnaa baryihii lasoo dhaafay wuxuuna caawa ku hoyanayaa Degmada Doolow oo uu horay uga soo duulaan tagay.

wixii kusoo krodha kala soco Gedo Times.

1 Comment

  1. waxay ila tahay 50 ka wiil ee uu indha koreey la car cararayo waxay waayeen rag iska cesho ee awood ma aylaho waana ay daba go an yihiine ninkaan dilaaga ah iska qabta

Leave a Reply to garaad yusuf Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.